Anigu kaa helay hubaalee, hubsoo edna ma ila haysaa ?

haamo.jpg

torch2.gif

henna.jpg

tulip.jpeg

rene-magritte.jpg

candle-01.gif

shukansixx.jpeg












Abaayo macaan, waad ogtahay inaan si aad ah
kaaga helay, waana aan kuu sheegay ujeedada
gaarka ah ee aaan adiga kaa leeyahay, taas
oo ah in dhinac kasta markaan kaa eegay aan
kuu arkay inaad tahay gabadhii aan guursan
lahaa maalin maalmaha ka mid ah, haddii
xiriirka aan si wodno, haddii aad iga yeleyso.

Waad ii sheegtay inaad hada nin "wada socotaan",
waxaadna ii raacisay inaadan weli hubin wada
socodkaasi meesha uu ku dambeynaayo.

Ninkaas kama aan maseeri karo waayo isaga ayaa
iga soo horreeyey, laakin runtaa fiicane waxba
kama aan qabeen haddii aad u sheegi lahayd inuu
baabuurta iska ilaaliyo :)

Khaladaad waan geli karaa, laakiin ugu dambeyntii
waxaa muhiim ah in la is fahmo, aniguna waxaan
hadda ahay dabbaalka jowharad la mood intuu soo
arkooday, haddana meel fog ka soo aadey, duruufahaa
iska jira - marka walaal ii yara dul qaado, ii yara naxariso.

Codkaaga inaan maqlo aad ayaan u rabi lahaa,
hoobseedkii aan galayna mar dambe looma noqon doono,
marka macaaneey ila soo hadal, niyaddeydu wax ay ku
degtana ii soo sheeg.

Gacantaan cillaanka la mariyey wax fiican iyo
kheyr bay inoogu baaqeysaa, faraantigana
ujeeddo ayaa ka dambeesaa.., anigu haa baan dhahay,
adiga maxay kula tahay ?
________________________________________________________

Horta ma ogtahay in maalintii aan email kaa helo
ama aan codkaaga maqlo ay niyaddaydu cirka sare
aaddo, oo aad mooddo in culayskii adduunyo oo
dhan la iga dul qaaday ?

Macaaneey haddii sidan ahay aad ogaan lahayd -
agteyda kama fogaateen.
Sidaan ahay haddaad ogaan lahayd -
daqiiqad kale igamaadan aamusteen.
__________________________________________________________

Horta ma kuu sheegay in quruxda Ilaah kugu mannestay
uu kuugu siyaadiyey aqli iyo wax garad gabdhaha
kale badankood aad dheer tahay ?
Dhinaacaas iskama aanan indho tirin, oo waan
kaa eegay maalintii aan adiga ku doortay, marka
waxaan aniga i daaray ha u maleyn inay muuqa
kore oo keliya ku kooban yihiin , ee aan kuu
taabtee la soco in dhexdeenna xaajadu intaas
ka qoto dheer tahay.
__________________________________________________________

"Waan kaa helay.." ayaan ku bilaabay sheekadaan
dhexdeenna ah, hadda se waxaad moodda in addunyadu
isasoo yara beddeleso, dareenkuna intii hore wuu
ka sii xoog badanayaa maalinba malintay ka dambeesa,
marka waa inaan iska dhaafo waan kaa heleyda oo
keliya, oo waa inaan dunida ogeysiiyo inaan maanta
adiga ku jeclaaday. __________________________________________________________


Adiga dhankaagana waxaan ka dareemay inay wax iska
kaa soo yara beddelayaan, waxaa dhici karta in
riyadeydii xalay aan run u maleeyey, harraadkan
aan qabo - waxaa dhici karta in wirwirkii biyo
aan u maleeyey, waxaadna ila mooddaa sidii aad
ka xishootay in uurka waxaad iigu hayso - aad
hadda afka iiga sheegto.

Waxaan arkaa in meeshii aan u soo socdey
waayahaan,aan hadda intii hore uga soo yara
dhowaadey.
___________________________________________________________


Walaal,

Maqnaanshaha aan kaa soo maqnahay awgii,
waqtiyada qaarkood waxaan dareemaa sidii aan
dacdarreenayo xiriirka wada hadalka dhexdeenna ah,
waxaan isku dayaa inaan meesha aan ka maqnaanahay
halkeeda Email aan ku buuxiyo, waanse ogahay
in hal million oo email aysan u dhigmi karin
hal daqiiqo oo qura ee labadeennu aynu isla joogno.

Samir ii yeelo abaayo, mar aan fogeyn waan
imaanayaa agtaada, markaan imaadana ogsoonoow
inaan mar kale kaa tegi doonin -
taasina wa ballan aan kaa qaaday, haddii uu ilaah idmo.
_________________________________________________________________________



























































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































































____________________________________________________________

fdfjdkfjdkfjdfjdkfkfkdkdfkfjkdffjkdjf

email - halkaan riix:

Lycos MP3 Search

Artist or Song Name: